Home Wararka Ciyaaraha Carlo Ancelotti oo soo saaray go’ankiisa ku aadan Kooxda Real Madrid

Carlo Ancelotti oo soo saaray go’ankiisa ku aadan Kooxda Real Madrid

0
Ad

Tababarahakooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa shaaca ka qaaday in aanu ka tagi doonin kooxda hadii aan shaqada laga cayrin.

Ancelotti ayaa ka tagay Everton si uu ugu laabto Santiago Bernabeu 2021 markii labaad ee uu tababare u noqdo Real Madrid.

Ad

Xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeeyay ee uu ku soo laabtay hogaanka Los Blancos, waxa uu kooxdiisa ku hogaamiyay hanashada horyaalka La Liga iyo koobka Champions League.

Ancelotti ayaa Real Madrid kula jira heshiis dhacaya June 2024, laakiin mustaqbalkiisa kooxda ayaa dhawaan su’aal la geliyay.

Macalinka reer talyaani ayaa dhawaanahan lala xiriirinayay inuu qabto xilka maareeyanimo ee ka banaan xulka qaranka Brazil, inkastoo uu dhawaan beeniyay wararka sheegaya in laga dooday doorkan.

Previous articleWAR DEG-DEG: Koox Premier League Ah Oo Tababarihii LABAAD Eriday Xilli-ciyaareedkan
Next articleAfar koox oo dagaal ugu jira Xidiga Marco Asensio ee Kooxda Real Madrid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here