Michael Carrick oo iskaga tagay Old Trafford ka dib 15 sano oo ciyaaryahan iyo tababare ahaa

Manchester United ayaa ku dhawaaqday inuu ka tagayo Michael Carrick ka dib 15 sano oo uu joogay kooxda isagoo ciyaaryahan iyo tababare ah.

Warkan ayaa soo baxay daqiiqado uun kadib markii ay soo kulankii ay Red Devils 3/2 uga badisay Arsenal kulankii ugu dambeeyay ee Carrick isaga oo ah tababare ku meel gaadh ah.

Ralf Rangnick ayaa la wareegi doona shaqada kooxda kowaad laga bilaabo subaxda Jimcaha.

Hadal uu soo dhigay website-ka kooxda, Carrick wuxuu ku yiri: “Waqtigeyga kooxdan weyn wuxuu had iyo jeer u qiimeyn doonaa sidii sannadihii ugu fiicnaa xirfadeyda. 

Markii ugu horeysay ee aan saxiixo in ka badan 15 sano ka hor, waligey riyadeyda ugu weyn ma qiyaasi karin ku guuleysiga koobab badan, waxaana hubaal ah waligey ma ilaawi doono xusuusta cajiibka ah ee ciyaaryahan ahaan iyo xubin ka mid ah kooxda tababarka.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*