Home Suuqa Kala iibsiga Casemiro Oo Go’aan Ka Gaaray Ka Tagista Man United

Casemiro Oo Go’aan Ka Gaaray Ka Tagista Man United

0

Casemiro waxaa ka go’an inuu u dagaalamo booskiisa Manchester United, waxaana uu diidi doonaa dalab kasta oo uga yimaada Galatasaray ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Turkiga isbuuca soo socda.

Kooxda Istanbul ayaa miisaamaysa in ay u dhaqaaqdo xiddiga khadka dhexe ee Brazil kaas oo la badalay wakhtigii nasashada kulankii ay United guuldarada kala kulantay Liverpool garoonka Old Trafford Axadii kadib khaladaadkii uu sameeyay oo sabab u noqday in uu laba gool dhaliyo Luis Diaz.

Waxay ahayd dib u dhacii ugu dambeeyay ee Casemiro kaas oo qaab ciyaareedkiisu hoos u dhacay tan iyo xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeeyay ee United ka dib markii uu £70 milyan oo ginni uga soo dhaqaaqay Real Madrid 2022kii.

32-sano jirkaan ayaa laga saaray xulka Brazil ee ka qeyb galaya isreeb-reebka Koobka Adduunka ee ay la ciyaarayaan Ecuador iyo Paraguay.

Booskiisa United waxaa halis ku ah Manuel Ugarte ka dib markii uu xiddiga reer Uruguay heshiis £50.5 milyan oo ginni ah kaga yimid Paris Saint-Germain isbuucii hore, laakiin waxaa la fahamsan yahay in Casemiro uusan wax xiiso ah u qabin inuu ka tago Old Trafford hadda.

Waa ninka ugu mushaharka badan kooxda £375,000 ayuu isbuucii jeebka ku rita.

uma badna Galatasaray, oo heysata ilaa isbuuc inay u dhaqaaqdo ka hor dhamaadka Turkiga, inay bixiso mushaarkiisa.

United ayaa filanaysa in Casemiro uu ku soo laabto tababarka kadib fasaxa xulalka si uu isugu diyaariyo kulanka soo socda ee Southampton.

Kooxda ayaa u furan inay dalabyo u soo bandhigto xiddiga shanta jeer ku guuleystay Champions League, agaasimihii hore ee kubada cagta John Murtough ayaa u safray Saudi Arabia bishii December si uu u qiimeeyo heerka xiisaha.

Si kastaba ha ahaatee, ma jirin wax dalabyo ah ka hor inta uusan xirmin daaqadda Pro League ee Sacuudiga habeenkii Isniinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here