Casemiro oo ka hadlay Sababtii uu ugu biiray Manchester United isagoo la hadlay Ronaldo

Ciyaaryahanka ka tagaya Real Madrid Casemiro ayaa sheegay inuusan lacag ugu biirin Manchester United .

Xafladii sagootinta ee maanta oo ka dhacday garoonka Santiago Bernabeu, Casemiro ayaa su’aalo kala kulmay saxaafada.

Waxa uu yidhi, “Sidaas uma degdegin, finalkii Champions League ka dib waxa jiray wadahadalo ah in wareeggaygu dhammaanayo, waxa ay ii ahayd go’aan muhiim ah, aad ayay iigu adkayd in aan la hadlo madaxweynaha, laakiin daacadnimadu waa mid ka mid ah qiyamkaygii iyo mar walba waa inaan daacad u ahaadaa isaga.

“Waxaan u maleynayaa in dareenka ah in aan halka. Joogo uu dhammaaday.”

Casemiro oo la waydiiyay in ay tahay su’aal la xiriirta lacag, Casemiro ayaa sii hadlay: “Dadka u maleynaya inay sidaas ogyihiin ma ihi, haddii ay lacag ahaan lahayd waxaan ka tagi lahaa afar ama shan sano ka hor, kooxdu waligeed waxay u dhaqmi jirtay si wanaagsan.

waxa uu yiri: “Waxaan rabaa inaan gudbiyo qiyamkaygii, wixii ay Real Madrid halkan igu bartay waxaan doonayaa inaan halkaan ku baro. Maskaxda ku guuleysiga koobabka, ciyaaraha, tababarka… Waxaan rabaa inaan wax ka barto League. ” Runtii aad ayaan u faraxsanahay, waxaan ku jiraa waqtigii ugu fiicnaa, wali waan ku raaxaysanayaa.”

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*