Home Warar Ciyaaraha Maanta Casemiro Oo Man United Ka Hor Istaagaya Saxiixa Manuel Ugarte.

Casemiro Oo Man United Ka Hor Istaagaya Saxiixa Manuel Ugarte.

0

Bandhigii wacnaa ee Casemiro ee kulankii furitaanka Manchester United ayaa ka dhigtay inay  ka fikiraan ka laabashada saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Manuel Ugarte.

Taasi waa sida uu qabo saxafiga reer France ee Julien Laurens, kaasoo sheegaya in United ay ka caga jiideyso inay buuxiso lacagta ay PSG ku iibinayso Ugarte iyada oo uu Casemiro si fiican ku bilowday xilli ciyaareedka.

Ugarte ayaa ahaa bartilmaameedka Man United ee suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo doonaysa in ay ku xoojiso khadka dhexe.

Fikradda had iyo jeer waxay ahayd in la iibiyo Casemiro ka dibna lagu beddelo Ugarte.

Si kastaba ha ahaatee, United ayaa ku dhibtoonaysay inay iibiso xiddiga reer Brazil marka loo eego musharka uu qaato oo aad u badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here