Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Manchester United ee Casemiro ayaa qirtay in uu la yaabbay damaca iyo doonista tababare Erik ten Hag oo xilli-ciyaareedkii koowaad ay ku wada qaadanayaan garoonka Old Trafford.
Casemiro oo ay Manchester United xagaagii hore kasoo iibsatay Real Madrid iyo Erik ten Hag oo ka yimid Ajax xagaagii oo la wareegay Manchester United ayaa mid walba uu sannadkiisii koowaad ee Old Trafford usii dhamaanayaa, iyaga oo ku guuleystay Carabao Cup, sidoo kalena taagan finalka FA Cup iyo booskooda Champions League ee xilli ciyaareedka dambe oo ay hal guul oo kaliya u baahan yihiin si ay afarta sare ugu dhamystaan.
Casemiro oo la hadlayay saxaafadda ayaa waxa la weydiiyey waxyaabaha uu la tacajabay ee uu ku arkay Erik ten Hag, waxaana uu ku jawaabay: “Aniga waxa in badan iga yaabiyey damaciisa. Waanu sheekaysanaa, waxaana uu mar walba si weyn uga hadlaa jacaylkiisa guusha.
“Waxa uu naga dalbadaa wax badan, sababtoo ah xataa boqolkiiba boqol ayan isaga ku filnayn. Waa in aanu u ciyaarno si ka badan 100%. In badan ayuu isaguna shaqeeyaa, waa tababare wax badan doonaya.”
Si kastaba ha ahaatee, Manchester United ayaa waxay si weyn iskugu diyaarinaysaa finalka FA Cup oo ay la ballansan yihiin Manchester City.