
Edinson Cavani ayaa ka danbeeyey guuldaradii shalay soo kooxda Southampton kulan kamid ah horyaalka ay ka hortimaaday kooxda Man United.
Haatan waxaa socda baaritaan ku aadan faallo cunsuriyad ah oo kusoo qoray bartii Instagram, sida lagu daabacay wargeyska Sky Sports.
Weeraryahanka Manchester United Edinson Cavani, oo 33 jir ah, ayaa sabab ahaay guushii Axadii gaartay kooxda wuxuuna labo gool ka dhaliyey kooxda Southampton, waxa ay ciyaarta kusoo dhamaatay 3-2 guushana ku raacday Man United. Waxay aheyd goolashiisa labaad iyo seddexaad ee sideed kulan uu ka ciyaaray kooxda weyn ee Ingariiska.
Haatan, si kastaba ha ahaatee, Sky Sports ayaa soo warisay in Cavani uu ka baxay jawiga abaarta goolasha.
Sky ayaa qortay in FA-ga (Xiriirka Kubada Cagta Ingriiska) la filayo inay baaritaan ku sameeyaan 33 jirkaan adeegsaday “eray la xiriira cunsuriyada” ee Instagram kadib markii ay soo dhamaatay asagoo la wadaagay qoraal ciyaarta taageerayaashiisa. Boostada hada waa laga saaray, laakiin Cavani wali waxaa lafilayaa in baaritaan lagu sameeyo.
Xilli ciyaareedkan ka hor, FA-gu wuxuu cusbooneysiiyay sharciyo adag ee ku saabsan cunsuriyadda iyo dhaqanka takoorka. Marka laga hadlayo dabeecadaha midab kala sooca ee baraha bulshada, ganaax ugu yaraan seddex kulan ayaa lagu dabaqayaa. United ayaan wali ka hadlin mowduucan.
Manchester United ayaa kulanka soo socota wajihi doonta Paris Saint-Germain Arbacada kulan ka tirsan Champions League. Kadib Cavani ayaa ka hor imaan kara kooxdiisii hore, oo uu ka tirsanaa intii u dhaxeysay xagaagii 2013 ilaa 2020. Wuxuu kooxda ka tagay markii oo dhamaaday qandaraaskiisa horaantii sanadkan.
Be the first to comment