Celta Vigo 1-4 Real Madrid: Modric oo dhaliyay gool cajiib ah Xili Los Blancos ay guul gaartay

Real Madrid ayaa guul xiriir ah ku bilaabatay difaacashada horyaalka La Liga xilli ay goolasha u kala dhaliyeen Karim Benzema, Luka Modric, Vinicius Junior iyo Federico Valverde si ay 4-1 kaga badiyeen Celta Vigo.

Xidiga Benzema ayaa gool rigoore ku daah-furay ciyaarta Daqiiqadii 14aad waxana goolka labaad ku daray Modric Dhamaadka qeybta hore Daqiiqadii 41aad waxana uu ahaa gool aad u qurux badan.

Goolal ka kala yimid Xidiga Vini Jr Iyo Valverde Qeybta danbe ayay Real Madrid kaga takhalustay Celta Vigo oo goolka kaliya uu u saxiixay Iago Aspas. Eden Hazard oo bedel ku soo galay dhamaadkii ciyaarta ayaa isna rigoore ka qasaariyay Los Blancos.

36 jirka Modric ayaa caawa soo jiitay indhaha isagoo gool qurux badan dhaliyay islamarkaana caawin sameeyay, waxaa isna wacdarro dhigay Tchouameni oo booska burburiyaha khadka dhexe ka bedelay Casemiro oo Man United ku biiray.

Real Madrid ayay u bilaabatay nolol uu ka maqan yahay Casemiro oo ku biiray Manchester United iyadoo tababare Ancelotti uu caawa soo safay khad dhexe oo afar ciyaaryahan ah oo kala ah Modric, Camavinga, Valverde iyo Tchouameni.

Celta waxay marti ku tahay Girona jimcaha, halka Madrid ay u safreyso Espanyol labo maalmood ka dib – kulankoodii seddexaad oo isku xigta oo ay marti yihiin xilli ciyaareedkaan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*