Home Horyaalka Italy Cesare Casadei oo tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda Chelsea ka dib...

Cesare Casadei oo tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda Chelsea ka dib heshiis Inter Milan

0

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay heshiis la gaartay Inter Milan si ay ula soo saxiixato xiddiga khadka dhexe Cesare Casadei .

Kooxda Galbeedka London ka dhisan ayaa muddo dheer la dhacsan 19-sano jirkaan, waxaana ay durba daaqadda ka arkeen labo dalab oo ay kooxda reer Talyaani ka soo diiday.

Si kastaba ha ahaatee, Sky Sports News ayaa sheegeysa in Blues ay haatan heshiis la gaartay Inter si ay Casadei kula soo wareegto €15m (£12.6m) iyo €5m (£4.2m) oo dheeri ah.

Laacibka khadka dhexe, oo horey heshiis shaqsi ah u gaaray inuu u dhaqaaqo Stamford Bridge, ayaa hadda qarka u saaran inuu u duulo England Arbacada ka hor inta uusan tijaabada caafimaadka marin Khamiista.

Previous articleManchester United oo la kulantay dharbaaxo kale oo culus raacdada ay ugu jirtay Frenkie de Jong
Next articleAnthony Gordon oo ku wargeliyay Frank Lampard inuu doonayo inuu ku biiro Chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here