Home Suuqa Kala iibsiga Cesc Fabregas oo ka hadlay markii uu ku qanciyay Raphael Varane inuu...

Cesc Fabregas oo ka hadlay markii uu ku qanciyay Raphael Varane inuu ku biiro kooxda

0

Tababaraha kooxda Como Cesc Fabregas ayaa ka hadlay markii ugu horeysay tan iyo markii uu ku qanciyay Raphael Varane inuu ku biiro kooxda.

Imaanshaha Varane ee kooxda Serie A ayaa la xaqiijiyay Axadii.

Daaficii hore ee France ayaa heshiis labo sano ah u saxiixay Como ka dib markii uu suuqa xorta ah uga tagay Manchester United.

Fabregas ayaa yiri: “Raphael waa ciyaaryahan gaar ah, saxiixiisa ayaana cadeyn u ah hamiga aan u leenahay kooxdaan.

Si heer sare ah ayaa loo qurxiyay, khibradda uu ka keenay labada horyaal ee ugu fiican adduunka lama dhayalsan karo.

Ma sugi karo inaan bilaabo la shaqayntiisa.” ayuu yiri Fabregas.

Varane ayaa 92 kulan u saftay Man United, wuxuuna u dhaliyay 2 gool.

Axadii ayeena kooxda Serie A ee Como ku dhawaaqday inay lasoo wareegtay daafaca kana saxiixatay heshiis 2 sano

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here