Cesc Fabregas oo ku booriyay saaxiibkiisi Lionel Messi inuu ku laabto Camp Nou.

Cesc Fabregas ayaa ku booriyay saaxiibkiisii ​​hore ee Barcelona Lionel Messi inuu ku laabto Camp Nou.

Messi ayaa ka tagay Barcelona xagaagii hore si uu ugu biiro Paris Saint-Germain , laakiin Argentine ayaa sii waday in lala xiriiriyo ku soo laabashada kooxda La Liga.

Madaxweynaha kooxda Barcelona Joan Laporta ayaa dhawaan ka dhawaajiyay inuu doonayo inuu dib ula soo saxiixdo 34 jirkaan, si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa sheegaya in Messi uu ka carooday hadalka Laporta, kaasoo ka hortagi kara inuu soo laabto.

Inkastoo uu u muuqdo inuu xumaaday xiriirka Messi iyo Laporta, ciyaaryahankii hore ee Barcelona Fabregas ayaa doonaya inuu xiddiga reer Argentina dib ula saxiixdo kooxda reer Catalonia.

Isagoo la hadlayay suxufiyiinta, Fabregas ayaa yiri: “Anigoo taageere Barcelona ah, waxaana rajeynayaa in Messi uu ku laabto Barcelona, ​​hal sano ayaa uga harsan qandaraaskiisa Paris.

Iyadoo Messi uu xilli ciyaareedkiisii ​​labaad la bilaabayo PSG – kaasoo horey ugu guuleystay French Super Cup – Fabregas ayaa isku diyaarinaya olole uu kula jiro kooxda Seria B ee Como, halkaasoo uu sidoo kale qeyb ka noqday mulkiilaha.

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*