Cesc Fabregas ayaa la xaqiijiyay inuu yahay tababaraha Como ka hor inta aysan kooxda hamiga leh la soo wareegin daaficii hore ee Spain Alberto Moreno ka hor xilli ciyaareedkoodii ugu horreeyay ee Seri A muddo 21 sano ah.
Como waxa ay ku faraxsantahay in ay xaqiijiso in Cesc Fabregas uu noqon doono tababaraha kooxda ragga isaga oo qalinka ku duugay heshiis afar sano ah”ayaa lagu yiri Bayaan ay soo saareen Como.
Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Spain Fabregas ayaa caawiye u ahaa Osian Roberts iyadoo Como uu si toos ah ugu guuleystey inuu u soo dalacsiiyo heerka koowaad xilli ciyaareedkii hore.
37 jirkaan ayaa sidoo kale ahaa tababare ku meel gaar ah muddo bil ah ka dib markii la ceyriyay Roberts , laakiin ma uusan qaban karin xilka joogtada ah ilaa uu xiriirka Yurub ee UEFA uu ka helo aqoonsiga tababarnimo.
Como waxay abuurtay muuqaal qurux badan iyadoo ay ugu wacan tahay goobta quruxda badan ee ay ku taalla harada Como ee waqooyiga Talyaaniga waxayna mashquul ku ahaayeen xagaagan, keenista ciyaartoy cusub.
Kii ugu dambeeyay wuxuu ahaa Moreno, kaasoo Jimcihii Como sheegtay inuu ku yimid heshiis hal sano ah “oo si toos ah u cusbooneysiinaya xilli kale haddii shuruudaha qaarkood la buuxiyo”.
Daafaca bidix ee Moreno oo afar jeer u soo ciyaaray qarankiisa ayaa ku biiray kooxda Como kadib markii ay iska fasaxday kooxda Villarreal dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.
Como kulankooda furitaanka xilli ciyaareedka soo socda waxay la ciyaarayaan Juventus.
Kooxdu waxay sidoo kale ugaarsi ugu jirta daaficii hore ee France Raphael Varane.