CHAMPIONS: Argentina Oo Ku Guuleystay Koobka Finalissima Ka Dib Markii Ay Xasuuqeen Italy

Argentina ayaa ku guuleysatay Koobka Finalissima ka dib markii ay 3-0 ku xasuuqeen xulka Talyaaniga ciyaartii caawa ka dhacday Wembley.

Goolal ay qeybtii hore dhaliyeen Lautaro Martinez iyo Angel di Maria ayaa xulka Lionel Scaloni guusha ku hogaamiyay ka hor inta uusan waqtigii dhimashada ciyaarta goolka seddexaad u dhalinin Paulo Dybala oo bedel ku soo galay ciyaarta.

Koobkaan ayaa u dhaxeeyay xulkii sannadkii hore ku guuleystay Copa America iyo xulkii ku guuleystay Euro 2020 iyadoo ciyaarta ay hal dhinac aheyd xilli uu Lionel Messi oo kabtan u ahaa Argentina uu ku hogaamiyay xulkiisa guul ay u qalmeen.

Koobkaan ma ahan markii ugu horeysay ee la qabto iyadoo uu hakad ku jiray muddo sannado ah, markii ugu danbeysay ee la qabto waxay aheyd 1993kii. Argentina ayaa rigoore ku garaacday Denmark iyadoo Diego Maradona uu koobka kor u qaaday.

Marka kale ee koobkaan la qabtay waxay aheyd markii la bilaabay sannadkii 1985kii markaasoo ay France garaacday Uruguay.

Laakiin kulankii caawa waxa uu ahaa mid garoonka la soo buuxiyay iyadoo 87 kun taageerayaal ah ay soo galeen garoonka Wembley.

Taageerayaasha Argentina ayaana noqday kuwa faraxsan oo u dabaaldegay guusha koobkaan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*