Champions: Atletico Madrid oo ku guuleysatay Horyaalka La Liga ee Spain, Real Madrid oo dhankeeda guul gaartay

kooxda Kubada Cagta ee Atletico Madrid ayaa ku guuleysatay Horyaalka La liga ee Spain kadib guul ay ka gaartay kooxda Real Valladolid,

Xidiga Luis Suarez ayaa kooxda Atletico Madrid ka caawiyay guusha kulankan iyadoo goolka labaad uu dhaliyay Angel Correa.

Sharaxaada Ciyaarta.

Daqiiqadii 18aad ee ciyaarta ayay kooxda Real Valladolid u suura gashay qabashada hogaanka waxana u dhiibay hogaanka Oscar Plano goolkaasi ayaana lagu kala nastay qeybta hore.

Qeybta labaad ee ciyaarta Daqiiqadii 57aad Atletico Madrid ayaa heshay goolka barbaraha waxana kubad awood badan ka dhex bixiya daafacyada xidiga Angel Correa kaasi oo soo celshay rajada kooxdiisa 10 daqiiqo kadib Luis Suarez ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa isagoo kubad bixid ah dhinac ka dhigay goolhayaha kooxda Real Valladolid guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-2.

Atletico ayaa hantiday koobkeedii ugu horreeyey ee horyaalka LaLiga ee tan iyo 2014, waxaanay heerka labaad u daadajiyeen Real Valladolid oo haddii ay badin lahaayeen ciyaartan ka badbaadi lahayd in ay heerka labaad u dhacaan.

Kooxdan ayaa markii 11aad ee taariikhdeeda hanatay horyaalkan, sidoo kalena waa markii labaad ee intii uu joogay tababare Diego Simeone oo ah ninka dhisay kooxdan awoodda ku qaadday tartanka.

Diego Simeone ayaa noqday tababarihii saddexaad ee u qaada laba horyaal, waxaana ka horreeyey Ricardo Zamora oo xilli ciyaareedyadii 1939/40 & 1940/41 u qaaday horyaalka iyo sidoo kale Helenio Herrera oo 1949/50 iyo 1950/51 ku hoggaamiyey horyaalka Spain.

Real Madrid 2 – 1 Villarreal

Real Madrid ayaa kaalinta labaad ku dhamaysatay iyadoo guul soo laabasho waqti dambe ah ka gaadhay Villarreal oo qaybtii hore ka dhalisay gool. Daqiiqaddii 20aad ayuu Pino hoggaanka u dhiibay Villarreal, waxaase ay iska lumiyeen fursado kale oo ay goolal ku dhalin karayeen.

Dhamaadka ciyaarta oo ay saddex daqiiqadood oo kali ahi ka hadhsan yihiin ayuu Karim  Benzema goolka barbarraha u dhaliyey Real Madrid, iyadoo horena looga diiday gool uu ku jiray offside cidhiidhi ah, waxaana goolka guusha u dhaliyey Real Madrid Luka Modric waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta.

Dhinaca kale, Barcelona ayaa guul 1-0 ah kasoo gaadhay kooxda heerka labaad u degtay ee Eibar, waxaana goolkaas u saxeexay Antoine Griezmann.

 

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*