Home Wararka Ciyaaraha Chelsea 2-0 Tottenham: Conte oo lagu Garaacay Stamford Bridge iyadoo Blues ay...

Chelsea 2-0 Tottenham: Conte oo lagu Garaacay Stamford Bridge iyadoo Blues ay hal lug la gashay finalka EFL Cup

0
Ad

Chelsea ayaa hal lug la gashay finalka EFL Cupka iyada oo uga mahad celinaysa guul raaxo leh oo 2-0 ah oo ay ka gaadheen Tottenham lugtii hore ee semi-finalka.

Xidiga Kai Havertz ayaa hogaanka u dhiibay Daqiiqadii 5aad ee Ciyaarta isagoo kubad uu bidix ku laaday ay ku sii dhacday xidiga Sanchez.

Ad

Chelsea ayaa hogaanka ciyaarta sii dheereesatay Daqiiqadii 34aad ee ciyaarta markaasi oo Ben Davies iska dhaliyay kubad lasoo qaaday guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 2-0.

Labadan ayaa dib u ciyaaridoona Arbacada soo socota kulanka lugta labaad ee ka dhicidoona Tottenham Hotspur,ka hor, labada kooxood ayaa ciyaaraya ciyaaraha FA Cup. Chelsea ayaa sabtida soo dhawaynaysa Chesterfield, halka Spurs ay waqooyiga London ku soo dhawaynayso Morecambe maalinta xigta.

Previous articleLinares Deportivo 1-2 Barcelona: Ousmane Dembele oo ka Caawiyay Kooxdiisa inay u gudubtay Wareega 16-ka ee Copa Del Rey
Next articleWararka Suuqa kala iibsiga: Aymeric Laporte, Frenkie de Jong, Samuel Umtiti, Philippe Coutinho, Dries Mertens, Raphinha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here