Chelsea 2-2 Wolves: Blues oo bar-baro ku soo dhaweesay Mulkiilahooda Cusub

Chelsea ayaa Bar-baro Cusub ku soo dhaweesay Maamulka Cusub ee Kooxda la wareegay kadib markii ay 2-2 la gashay Kooxda Wolves.

Blues ayaa labada Gool ee Kulankan uga Mahadcelineysa Lukaku, Goolasha ayaana midkood waxa uu ahaa Rigoore.

Xiddiga reer Portugal ee Trincao ayaa goolka koowaad u dhaliyey Wolves daqiiqaddii 79aad, halka goolka barbarrahana  ay keeneen daqiiqaddii ugu dambaysay waqtiga dheeraadka ahaa ee ciyaarta lagu daray, kaas oo uu madax ugu dhaliyey Coady.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay toddoba daqiiqadood socotay ayaa Chelsea loo dhigay rikoodhe kaddib markii uu Joao Moutinho qalad ku galay Romelu Lukaku oo xerada ganaaxa kubbad ugu xoog-sheegtay.

Weeraryahanka reer Belgium ayaa kubaddaas u beddelay gool iyadoo uu goolhaye Sa u diray dhinaca qaldan, waxaanu iska diiday inuu u dabbaal-dego goolkaas maadaama aanay isku fiicnayn tababare Tuchel oo uu muddo kaydka ku hayay.

Laba daqiiqadood kaddib ayuu mar kale Romelu Lukaku saxeexay gool kale oo degdeg ahaa oo qaladkiisa ay iska lahaayeen difaaca Wolves.

Triancao ayaa goolka koowaad u keenay Wolves xilli 11 daqiiqadood ka hadhsanaayeen dhamaadka ciyaarta, ka hor intii aanu khasaarinin fursad kale oo dahabi ahayd oo ay taageereyaashu u keceen goolna loo qaatay.

Coady ayaa goolka barbarraha ah madax ku saxeexay daqiiqaddii 90+7, markaas oo uu dhinaca midig kubbad uga soo saaray Chiquinho.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*