Chelsea oo awood xoogan ka muuqato sanadkaan waxay caawa markale halkeeda kasii wadatay bandhiga cajiib ah oo ay sameynayaan.
Bules ayaa 10 ciyaaryahan oo Southapton ah kaga badiyay 5-1, iyadoo isbedelo badan shaxdiisa uu ku sameeyay tababare Maresca caawa.
Disasi ayaa daqiiqadii 7’aad daah furay goolasha Chelsea, waxaana ka labaad raaciyay Nkunku 17 daqiqo markii ay soctay ciyaarta.
Chelsea oo dhinac kasta ciyaarta ka maamushay waxaa kan sadexaad u dhaliyay Madueke daqiiqadui 34’aad, taasoo keentay in qeybta hore lagu kala nasto 3-0 oo ay Chelsea hogaanka ku heysay.
Qeybta labaad markii la isku soo laabtay Palmer iyo Sancho ayaa laba gool kale raacsaday taasoo keentay in ciyaartu guud ahaan ay kusoo dhamaato 5-1 oo ay laalinta labaad ee Premier League ku fariisatay Chelsea.
Kooxda Chelsea ayaa ka faa,iideystaya barbarihii caawa lagu celiyay Liverpool oo ah hogaamiyaasha Horyaalka, waxaana ay 7 dhibcood usoo jirsadeen hogaanka sarre.
Kulankaan waxaan ka baranay in tababare Enzo Maresca uu heysto laba shax oo isku mid ah maadaama.dhowr ciyaartooy oo cusub caawa shaxdiisa lagu arkay.
Nkuku ayaa muujiya awoodiisa gaarka ah ee uu ugu qalmo safka hore ee koozda Chelsda ee ciyaareysa horyaalk Premier League kadib bandhigiisii caawa.
Dhinaca kale kooxda Liverpool ayaa bar-baro 3/3 ah la gashay kooxda Newcastle kulan ay Reds dhibaco lumisay