Home Horyaalada Kale Chelsea & Arsenal oo isha ku haya weeraryahan tayo leh ee ka...

Chelsea & Arsenal oo isha ku haya weeraryahan tayo leh ee ka ciyaara horyaalka Turkiga

0

Chelsea iyo Arsenal ayaa ka mid ah kooxaha Premier League-ga ee baacsanaya weeraryahanka reer Turkey ee Ali Akman.

18 jirka tayada leh wuxuu u ciyaaraa kooxda koowaad ee Bursaspor wuxuuna soo jiitay indhaha kooxaka waa weyn ee Yurub isagoo dhaliyay 9 gool 16 kulan oo saftay kooxdiisa xilli ciyaareedkan.

Red Bull Salzburg iyo Galatasaray labaduba waxay isku dayeen inay heshiis la gaaraan da ‘yarta bishii Diseembar.

Akman wuxuu ciyaaray isagoo 16-sano jir ah kulankiisii ​​ugu horeeyay, waxa oo saftay da,yarta kahor inta uusan isku muujin inuu yahay qayb muhiim ah oo ka tirsan kooxda Bursaspor.

Wuxuu markii ugu horeysay qabsaday cinwaannada wargeysyada isagoo dhaliyay gool cajiib ah, waxa ciyaarayey khadka dhexe ee Turkey da,yarada 17 ciyaar saaxiibtinimo oo ay la ciyaarayeen Belarus bishii Agoosto 2018 taas oo Turkigu ku adkaaday 2-0.

Waxa uu intaa kadib sii waday inuu ku riyaaqo xawaarihiisa iyo xirfadiisa wuxuuna haatan raadinayaa inuu xirfadiisa u qaado heerka xiga.

In kasta oo uu lix bilood uga hadhsan yahay qandaraaskiisa, haddana ma doonayo inuu heshiis cusub u saxeexo kooxdiisa, Bursaspor-na waxay diyaar u tahay inay dhegeysato dalabyada ugu imaanaya kooxaha ugu tunka weyn qaararda Yurub halkii ay khatar ugu jiri lahayd inay ku weyso magdhowga ugu yar xagaayga.

Waxay raadinayaan ku dhowaad 3 milyan oo ginni laakiin waxaa lagu qasbi karaa inay aqbalaan wax ka yar maaddaama saameynta cudurrada faafa ee Covid ay ku dhacayaan dhaqaalaha qaaradda oo dhan.

In kasta oo kooxaha Chelsea iyo Arsenal ay ka mid yihiin kooxaha xiisaynaya, waxa kale oo jira kooxo ka kala socda Jarmalka, Talyaaniga iyo Faransiiska oo doonaya inay la wareegaan da’yarka bishan.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here