Home Warar Ciyaaraha Maanta Chelsea ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Real Madrid Xili Natiijooyinkii xumaa ee...

Chelsea ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Real Madrid Xili Natiijooyinkii xumaa ee kooxda Wali sii socdo

0

Natiijooyinkii xumaa ee kooxda chelsea ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ayaa wali sii socda.

Chelsea ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Real Madrid kulan ka tirsan isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Blues ayaa ku bilaabatay shaxda xiddigeheeda ugu muhiimsan halka ay Real Madrid ku ciyaaraysay xiddigo da’yar iyo kooxda 1-aad isugu jira.

Daqiiqadii 19-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Lucas Vazquez kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Los Blancos ayaan halkaas ku joogsan waxana ay daqiiqadii 27-aad dhaliyeen goolka 2-aad waxana u dhaliyay Brahim Diaz kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Chelsea ayaa daqiiqadii 39-aad iska soo baday gool waxana u dhaliyay xiddiga Noni Madueke kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Blues la kulantay guuldaro kale isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here