Chelsea ayaa kula tartameysa labada Koox ee Bundesliga ka dhisan saxiixa ‘Pogba-ha cusub’ ee khadka dhexe

Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Saint-Etienne Lucas Gourna-Douath ayaa xiiso ka helaya Chelsea .

RMC ayaa sheegeysa in Chelsea ay weydiisatay macluumaad ku saabsan 17-jirka Gourna-Douath, kaasoo oo lala bar-bardhigo xiddiga Man Utd Paul Pogba .

Kabtanka xulka France ee da’doodu ka yar tahay 17-jirada ayaa xilli ciyaareedkiisii ​​14-jirada ku qaatay inuu u ciyaaro US Torcy, oo ah koox uu sidoo kale Paul Pogba matalayay isagoo da’yar.

Chelsea ayaa ka mid ah seddax kooxood oo reer Yurub ah oo weydiistay macluumaad dheeri ah iyadoo Borussia Dortmund iyo Bayer Leverkusen ay yihiin labada kale.

Sadexduba waxay danaynayaan inay la wareegaan 17 jirkan ka hor intaan qiimihiisu sii kordhin sida ay qortay RMC.

Kooxda reer Talyaani ee Atalanta oo caan ku ah horumarinta ciyaartooy da ‘yar oo tayo leh ayaa isku dayaysa inay keenaan Seria A laakiin € 10m oo ay bixinayaan kuma filna kooxda ka ciyaarta Ligue 1 .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*