Chelsea ayaa qarka u saaran inay lasoo wareegto daafac boosas badan ka ciyaara Horyaalka Bundesliga

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay u baahan tahay inay ka dhigto daafaca reer Austria David Alaba ciyaaryahanka ugu mushaharka badan hadii ay doonayaan inay la soo wareegaan xiddiga Bayern Munich bisha Janaayo.

Kooxda ka dhisan Galbeedka London ayaa la rumeysan yahay inay ka mid tahay afar koox oo xiiseyneysa inay la soo wareegto xiddiga heerka caalami ee dalka Austria, oo ay wehliyaan kooxaha PSG iyo El Classico ee Real Madrid iyo Barcelona.

Alaba ayaa lagu wadaa inuu noqdo xidig bilaash ah dhamaadka ololaha haatan sidaas darteed wuxuu ku faanaa awood gorgortan sare.

Kooxda heysata horyaalka Jarmalka ayaan weli meesha ka saarin inay qandaraas cusub kula saxiixaneyso daafacaas si kastaba ha ahaatee, wargayska Jarmalka ee Bild ayaa sheegaya inuu dalbanayo ,350,000 ginni toddobaadkii.

Alaba ayaa ku qaatay tobankii sano ee la soo dhaafay inuu ahaa difaac joogta ah isagoo in ka badan 400 kulan u saftay kooxda heysata horyaalnimada Jarmalka iyo Yurub tartamada oo dhan.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*