Chelsea iyo Arsenal oo loo gacan galiyay Saxiixa Jerome Boateng

Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa inaysan qorsheyneynin inay qandaraas cusub u soo bandhigto Jerome Boateng , iyadoo daafaca qibrada leh ee khadka dhexe lagu heli doono beeca xorta ah xagaagan.

32 jirkaan ayaa si joogta ah ugu ciyaarayay kooxda heysata horyaalka Jarmalka intii lagu jiray ololihii 2020-21, isagoo saftay 27 kulan tartamada oo dhan, oo ay ku jiraan 20 kulan oo ka mid ah kulamada Bundesliga.

Heshiiska Jarmalka ee Allianz Arena ayaa dhacaya dhamaadka Juun, in kastoo, sida laga soo xigtay Bild , Bayern ayaa diyaar u ah inay ku fasaxdo isaga qaab bilaash ah.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Boateng uu ku tagay ‘niyad jab’ go’aanka kooxda isla markaana uu haatan qorsheynayo u dhaqaaqistiisa Kooxaha kale.

Chelsea iyo Arsenal ayaa labaduba si xoogan loola xiriirinayay daafaca, kaasoo Premier League u ciyaaray Manchester City intii lagu guda jiray xilli ciyaareedkii 2010-11 ka hor inta uusan u dhaqaaqin Bayern.

Ku guuleystaha Koobka Adduunka wuxuu ku guuleystay sideed horyaal oo Bundesliga ah iyo labo horyaal oo Champions League ah intii uu la joogay Der FCB

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*