Home Suuqa Kala iibsiga Chelsea iyo Atletico Madrid oo wadahadalo ka yeeshay heshiiska Joao Felix

Chelsea iyo Atletico Madrid oo wadahadalo ka yeeshay heshiiska Joao Felix

0

Chelsea iyo Atletico Madrid ayaa wadahadalo ka yeeshay heshiiska Joao Felix ka dib markii uu hakad ku yimid heshiiskii Sami Omorodion uu ugu wareegi laha Stamford Bridge.

Omorodion ayaa la filayay in uu dhamaystiro heshiis 34.5 milyan ah ee uu ugu wareegi lahaa Blues, isagoo qalinka ku duugi lahaa heshiis todoba sano ah, wuxuuna u kicitimay London laakiin wadahadaladii ayaa caqabad noqday inkasta oo ay labada dhinacba isku dayeen in ay xal u helaan, talaabadaas ayaa u muuqata mid meesha ka baxday.

Atletico ma dooneynin in heshiiska Gallagher lagala qeyb dhigo Omorodion.

Atletico Waxa ay haatan dib u soo nooleeyeen wadahadaladii ku saabsanaa Joao Felix kaas oo hore amaah ugu joogay Chelsea laakiin bartilmaameed u ahaa Aston Villa.

Ciyaaryahanka qudhiisa ayaa la sheegaya inuu aqbalay dib ugu laabashada Stamford Bridge.

Felix, oo afar gool u dhaliyay 20 kulan oo uu u saftay Chelsea, ayaa xilli ciyaareedkii hore amaah ku joogay Barcelona, ​​oo uu toban jeer shabaqa soo taabtay 44 kulan oo uu u saftay.

Felix ayaa noqday ciyaaryahanka afaraad ee ugu qaalisan taariikhda 2019kii kadib markii Benfica ay 114 milyan oo ginni kaga iibisay Atletico.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here