Chelsea iyo barcelona oo baacsanayaan daafaca Juventus De Ligt.

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay diiday dalabkii ay ka heleen Barcelona iyo Chelsea oo ku aadan de Ligt horaantii bishaan madaama ay doonayaan in ay ka helaan lacagihii laga soo bixiyay ama wax u dhow Daafaca dhexe ayaa laga soo saxiixay Ajax sanadkii 2019 lacag dhan 85.5 milyan euro waxaana uu qandaraaskiisa Turin uu gaarayaa ilaa June 2024.

Sida laga soo xigtay Tuttosport, Bianconeri waxay ka heshay labo dalab 10kii maalmood ee la soo dhaafay Barcelona ayaana tartan kala kulmeysa kooxda ingiriiska ka dhisan ee Chelsea Si kastaba ha noqotee juventus ayaa diidan in 21-jirkan gabi ahaanba ay iibiyaan.

Dhanka kale di Ligt ayaa ma hadlay wararka xanta suuqa waxaana uu yiri waxaan jeclaan lahaa inaan noqdo kabtanka Old Lady maalin uun De Ligt wuxuu la dhibtooday dhaawac garabka ah oo soo noqnoqday xilli ciyaareedkii hore oo dhan, isagoo u baahday qalliin bishii Agoosto, sidoo kale wuxuu seegay dhowr ciyaarood ka dib markii uu ku dhacay COVID-19 bishii Janaayo.

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*