
Chelsea ayaa isku diyaarinaysa inay dalab ka gudbiso daafaca Juventus Matthijs de Ligt .
Heshiis ay Southampton kula gashay goolhayaha 21 jirada Wales Eddie Beach ayaa bilaabay waayaha cusub ee Chelsea ee Todd Boehly iyo kooxdiisa.
Sky Italia ayaa sheegaysa in Chelsea ay haatan qorsheyneyso inay u dhaqaaqdo De Ligt.
Waxaa la soo jeediyay in ciyaaryahanka reer Holland qandaraaskiisa lagu burburin karo 120 milyan euro, Chelsea ayaana dooneysa inay bixiso lacagtaasi. Manchester United ayaa sidoo kale isha ku haysa horumarka.
De Ligt ayaa Juve kula jira heshiis dhacaya 2024 waxana uu qirtay todobaadyadii u dambeeyay in uu haatan ka fikirayo dookhyadiisa xagaagan.
Be the first to comment