Chelsea iyo Manchester United oo isha ku haya saxiixa Kingsley Coman

Kooxaha Premier League ku xifaaltama ee Chelsea iyo Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay labaduba qiimeynayaan inay xagaaga u dhaqaaqaan garabka kooxda Bayern Munich ee Kingsley Coman .

Xiddiga reer France ayaa wadar ahaan 18 gool iyo caawinaad u sameeyay Bayern xilli ciyaareedkii wacnaa ee 2020-21.

Bayern ayaa isha ku heysa inay qandaraaska u kordhiso Coman dhamaadka 2022-23 markaasoo uu haatan dhacayo, laakiin 24 jirkaan ayaa lagu xantaa inuu diiday dalabkoodii ugu horreeyay.

Sida laga soo xigtay wargeyska Jarmalka ee Fussball Transfers , Chelsea iyo United ayaa sii wadaya inay la socdaan xaalada Coman ee garoonka Allianz Arena waxaana laga yaabaa inay u dhawaadaan marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

Waxaa la soo jeedinayaa in xiddigii hore ee Paris Saint-Germain iyo Juventus, oo kula guuleystay horyaallo seddex dal oo kala duwan, inuu doorbidayo inuu sii joogo Bavaria.

Coman ayaa 197 kulan u saftay Bayern laba jeer oo uu la joogay kooxda, isagoo u dhaliyay 39 gool.

Fadlan Salaada Tuko Hadii la gaaray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*