Chelsea iyo Manchester United oo Newcastle United kula biiray Tartanka loogu jiro Hugo Etikike

Kooxaha Chelsea iyo Manchester United ayaa soo galay loolanka loogu jiro saxiixa da’yarka Reims ee Hugo Ekitike.

19-sano jirkaan ayaa waxaa dooneysay Newcastle United suuqii Janaayo, laakiin ciyaaryahanka ayaa diiday inuu u dhaqaaqo.

Sida laga soo xigtay Express , Man United iyo Chelsea ayaa indha-indheeyayaal u diray si ay u daawadaan Ekitike oo ciyaaraya kulankiisii ​​ugu horeeyay tan iyo markii uu suuqa xidhmay.

Waxa uu ku lug lahaa Reims kulankii Bordeaux Axadii, waxaana uu dhaliyay goolkii ugu horeeyay ciyaar ay ku badiyeen 5-0.

Indho-indheeyeyaal ka socda kooxo kale, oo ay ku jiraan Arsenal , Tottenham, Manchester City iyo Liverpool , ayaa sidoo kale joogay ciyaarta.

Kooxo badan oo Yurub ah, oo ay ku jiraan Real Madrid , Barcelona , iyo Bayern Munich , dhamaantood waxay lahaayeen indha-indheeyeyaal daawanayay ciyaarta sidoo kale.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*