Goolhayaha AC Milan Gianluigi Donnarumma ayaa lagu soo waramayaa inuu weli bartilmaameed u yahay kooxaha Chelsea iyo Paris Saint-Germain .
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Talyaaniga ayaa qandaraaskiisa San Siro ka harsan wax ka yar afar bilood isagoo ku guuldareystay inuu heshiis cusub la gaaro kooxdiisii carruurnimada.
Sida laga soo xigtay 90 min , 22 jirkaan ayaa diyaar u ah inuu aqbalo shuruudaha dhimitaankiisa Mushaharka si uu u sii joogo kooxda u tartamaya hanashada Serie A.
Si kastaba ha noqotee, inkasta uu diyaar u yahay inuu qaato mushahar hooseeya, Donnarumma ayaa la sheegay in laga codsaday inuu aqbasho 1.5m xilli.
warbixinta ayaa sheeganeysa in Chelsea iyo PSG ay isha ku hayaan xaaladda. Halka Chelsea ay horeyba u haysatay Edouard Mendy iyo Kepa Arrizabalaga , PSG waxay raadineysaa bedelka muddada dheer Keylor Navas .