Chelsea oo 2-1 kaga badisay kooxda Leicester City, Raheem Sterling oo dhaliyay labo gool

Raheem Sterling ayaa guul muhiim ah ku hogaamiyay 10 ciyaaryahan oo Chelsea kuwaasoo 2-1 ku garaacay kooxda Leicester City oo marti ku aheyd Stamford Bridge iyadoo Conor Gallager uu casaan ka qaatay Blues qeybtii hore ee ciyaarta.

Blues oo uu ganaax kaga maqnaa tababarahooda Thomas Tuchel ayaa ku soo laabatay wadada guusha ka dib guuldaradii todobaadkii hore.

Sterling ayaa labo gool ku furtay akoonkiisa goolasha Chelsea isagoo shabaqa soo taabtay qeybtii labaad ee ciyaarta, halka Leicester uu goolka qura u saxiixay Barnes.

Tababare Tuchel oo kulankaan ka ganaaxnaa ayaa u muuqday inuu xeeladiisa ciyaareed bedelay, wuxuu shaxdiisa 3-4-3 ku bedeshay 4-2-2-2, iyadoo Loftus-Cheek iyo Mason Mount ay ahaayeen kubadsameeyayaal khadka dhexe halka Raheem Sterling iyo Kai Havertz ay afka hore kawada ciyaarayeen.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-1 oo ay Chelsea ku garaacday Leicester City.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*