Home Wararka Ciyaaraha Chelsea oo dalab 40 milyan ginni ah ka gudbisay Presnel Kimpembe

Chelsea oo dalab 40 milyan ginni ah ka gudbisay Presnel Kimpembe

0
Ad

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay dalab rasmi ah 40 milyan ginni kula soo wareegeyso daafaca Paris Saint-Germain Presnel Kimpembe .

Isbuuc dhamaadkii, Blues ayaa xaqiijisay inay la soo wareegtay daafaca dhexe ee Napoli Kalidou Koulibaly kaasoo qandaraas waqti dheer ah saxiixay.

Ad

Si kastaba ha ahaatee, maamulaha Thomas Tuchel ayaa si cad u qiray inuu sii wadi doono inuu mudnaanta siiyo difaac si uu u helo badelka Andreas Christensen iyo Antonio Rudiger .

Nathan Ake ayaa u muuqday dooqa Tuchel ka hor inta aysan cadeynin City in ninka reer Holland uu sii joogi doono Etihad Stadium.

Haatan, reer London ayaa u muuqda inay ka tashanayaan inay dalabyo joogto ah ka gudbiyaan Kimpembe ama Jules Kounde .

Previous articleArsenal oo Manchester United kula tartameysa weeraryahanka Lyon Moussa Dembele?
Next articleArsenal oo dib u soo ceshatay xiisaha ay u qabto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus Arthur Melo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here