Chelsea oo Dalab Cusub ka Gudbineysa Xidiga Sevilla ee Jules Kounde

Chelsea ayaa diyaarinaysa dalab cusub oo dhan 60 milyan oo euro si ay u hesho difaaca Sevilla ee Jules Kounde, sida laga soo xigtay Sport Italia.

Kooxda heysata horyaalka Yurub ayaa qarka u saaran inay lacag badan u uruuriso daafaca Faransiiska.

Sevilla ayaa hore u diiday dalabkii Kounde ee ka yimid kooxda Chelsea xili Ciyaareedkii hore.

Xidigan ayaa dhawaan qirtay in uu doonayay ku biirista kooxda Chelsea isla markana uu fashilmay qorshahaasi.

Waxa uu intaasi ku daray in Niyad Maskaxeed uu ka qaaday heshiiska fashilmay ee labada dhinac.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*