Chelsea oo dalab weyn oo ay suuqa kaga baxayso oo ay ka gudbisinaysa khadka dhexe ee Brighton ee Moises Caicedo.

Chelsea ayaa isku diyaarinaysa dalab weyn oo ay suuqa kaga baxayso oo ay ka gudbiso khadka dhexe ee Brighton ee Moises Caicedo.

Khadka dhexe ee ree Ecuador ayaa ahaa mid xiiso joogto ah ka helayay kooxaha Chelsea iyo Liverpool, labadaas kooxood ee hoos u dhaca ku jira xilli ciyaareedkan ayaa doonaya xoojinta khadadkood dhexe.

Chelsea ayaa Brighton ku tijaabisay dalabkii koowaad oo 55 Milyan oo pound ahaa balse laga soo diiday, haatan ayay u diyaarinayaan dalab midkii hore ka wanaagsan.

Kooxda tababare Graham Potter ayaa doonaysa inay khadkeeda dhexe soo xoojiso suuqan January waxayna u doorteen saxeexaas Caicedo.

Potter ayaa ahaa tababarihii Brighton keensaday ee kula soo saxeexday Caicedo, heshiiskii uu Seagulls ugu soo biiray 2021 ayaa ah mid ay saddex sano ka hadheen.

Blues ayaa gudaha suuqan wacdarro ka dhigay iyagoo la saxeexday xiddigaha kala ah Datro Fofana, Andrey Santos, Joao Felix, Noni Madueke, Mykhailo Mudryk iyo Benoit Badiashile.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*