Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay dareenkeeda u weecisay madaxa kooxda Bayer Leverkusen Tim Steidten ka dib markii ay qirteen guuldaradii ay ku doonayeen inay Christoph Freund kaga soo qaataan Red Bull Salzburg.
Ka dib bixitaankii agaasimihii hore ee isboortiga Marina Granovskaia bishii June, Blues ayaa baadi goob ugu jirtay madax cusub si uu ula shaqeeyo Graham Potter.
Todd Boehly waxa uu si ku meel gaar ah u hayay xilka agaasimaha ciyaaraha markii uu yimid caasimada England, waxaana Chelsea ay raadineysay bedelka rasmiga ah ee Granovskaia tan iyo markii la ceyriyay Thomas Tuchel .
Freund – kaasoo soo saaray xirfado sare sida Erling Braut Haaland iyo Sadio Mane waqtigiisii ​​Salzburg – ayaa markii hore loo tixgeliyey inuu yahay kan ugu cadcad doorka Stamford Bridge.
Blues ayaa xitaa la sheegay in ay heshiis afka ah la gaartay 45 jirkaan, laakiin Salzburg ayaa hoos u dhigtay wararka la isla dhexmarayo, Freund ayaana xaqiijiyay horaantii isbuucaan inuu sii joogi doono Austria.