Chelsea oo diiday fursad ay kula soo saxiixan lahayd Thilo Kehrer

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in loo soo bandhigay fursad ay kula soo saxiixan kartay daafaca Paris Saint-Germain Thilo Kehrer horaantii xagaagan taasi oo iska diideen.

Blues ayaa waqtiyo kala duwan ku soo jirtay suuqa kala iibsiga iyadoo labo xiddig oo heer sare ah ku soo kordhiyay Kooxda.

Maalmihii la soo dhaafay, waxaa muuqatay in Barcelona ay u badan tahay inay ku garaacdo kooxaha Premier League tartanka loogu jiro saxiixa daafaca Sevilla Jules Kounde .

Intaa waxaa dheer, Chelsea ayaa u dhaqantay si tartiib tartiib ah markii ay isku dayday inay soo xerogeliso Nordi Mukiele , kaasoo loo xaqiijiyay inuu yahay ciyaaryahan PSG horaantii Talaadadii.

Si kastaba ha ahaatee, uma badna inay noqoto markii ugu dambeysay ee Chelsea iyo PSG ay xiriiraan suuqa kala iibsiga ee hadda iyadoo chelsea la og yahay inay sidoo kale xiiseynayaan Presnel Kimpembe .

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*