Chelsea oo diiday fursad ay kula soo saxiixan lahayd xiddiga khadka dhexe ee Aurelien Tchouameni

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay diiday fursad ay kula soo saxiixan lahayd xiddiga khadka dhexe ee Aurelien Tchouameni 12 bilood ka hor inta uuna ku biirin Real Madrid.

Ka dib labo sano oo uu la joogay Monaco , 22 jirkaan ayaa qalinka ku duugay heshiis lix sano ah Los Blancos xagaagan, isagoo u dhaqaaqay Santiago Bernabeu qiimo dhan 85 milyan ginni.

Real Madrid ayaa iska difaacday loolan ay ugu jirtay kooxo badan oo Premier League ah si ay u hesho xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska, inkastoo loo maleynayo in Chelsea aysan ku jirin tartanka saxiixiisa xagaagan inkastoo ay 12 bilood ka hor muujiyeen xiisaha ay u qabaan.

Ka dib markii ay ku guuleysteen Champions League dhamaadkii ololihii 2020-21 oo uu macalin u ahaa Thomas Tuchel , West Londoners waxay dooneysay inay xoojiso doorkooda khadka dhexe.

Labada Conor Gallagher iyo Billy Gilmour ayaa loo ogolaaday inay amaah ku baxaan, halka bartilmaameedka koowaad ee Declan Rice loo arkay inuusan iib ahayn West Ham United .

 

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*