Home Wararka Ciyaaraha Chelsea oo diirada saartay saxiixa xiddiga lala xiriirinayo Real Madrid iyo Barcelona...

Chelsea oo diirada saartay saxiixa xiddiga lala xiriirinayo Real Madrid iyo Barcelona badalkii Cristiano Ronaldo

0

Chelsea ayaa lagu xamanayay inay ka fiirsaneyso inay u bandhigto xiddiga Manchester United Cristiano Ronaldo wado uu kaga baxsado Old Trafford bishii Janaayo laakiin hadda waxay u muuqataa inaysan taasi dhici doonin. 

Taa bedelkeeda, Blues ayaa haatan ku xifaaltami karta kooxaha sida Real Madrid iyo Barcelona fursad ay kula soo saxiixan karaan mucjisada reer Brazil ee Endrick.

Waxaa xusid mudan in Cristiano Ronaldo uu sida muuqata gaaray dhamaadka wadada Manchester United. Milkiilaha cusub ee Chelsea Todd Boehly ayaa u muuqda inuu taageere weyn u yahay halyeeyga reer Portugal, waxaana la sheegay inuu u furan yahay inuu ka soo kaxeeyo Old Trafford suuqa jiilaalka.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Jacob Steinberg , ma jirto hadda wax calaamad ah oo muujinaya in reer London ay u dhaqaaqi doonaan 37-jirka bisha Janaayo. Kooxda ayaa lagu soo waramayaa in ay xaqiiqsatay in xiddiga todobada jeer ku guulaystay Ballon d’Or aanu ku haboonayn qaab ciyaareedka Graham Potter ee Stamford Bridge.

Isla isha ayaa sidoo kale sheegtay in qorshaha Chelsea hadda uu yahay inay u ogolaato Potter inuu dhiso koox u gaar ah, sidaas darteedna ay u janjeerto inay la soo wareegto ciyaartoy da’yar ah bedelkii Cristiano Ronaldo. Taasi waxay ka dhigi kartaa inay kor u qaadaan dadaalkooda ku aadan saxiixa xiddiga reer Brazil ee Endrick oo ka imaanaya Palmeiras sanadka soo socda.

Previous articleBarcelona oo isha ku haysa inay u dhaqaaqdo Saxiixa Saxiibka Lionel Messi ee Xulka Argentina
Next articleErik ten Hag oo ku wargeliyay Madaxda Manchester United in Cristiano Ronaldo uusan mar dambe u ciyaarin kooxda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here