
Kooxda kubadda cagta Chelsea ayay dhaawacyadeedu noqdeen tusbax furtay, waxaana la xaqiijiyey in uu liiska dhaawacyada muddada maqnaanaya ku biiray daafaca dhexe ee Trevoh Chalobah oo laga saaray kulankii Sabtidii ay barbarraha goolal la’aanta ah la galeen Liverpool.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dhaawaciisu yahay muruqa oo uu u baahan doono qiimayn dheeraad ah ka hor inta aan si rasmi ah loogu dhawaaqin muddada uu maqnaanayo, waxaana booskiisa buuxin doona Cesar Azpilicueta oo shalayba beddel kusoo galay markii uu baxay Chalobah.
23 jirkan ayaa noqonaya dhaawacii 11aad ee Chalsea ee sariirta jiifa, iyadoo ay sii socoto nasiib-xumada tababare Graham Potter oo ciyaartoydiisu ay sii wadaan dhaawacyada, halka isuguna uu soo wado ciyaartoyda iyo saxeexyada cusub ee uu kooxda keenayo.
Chelsea ayay hore dhaawacyo ugaga maqnaayeen N’Golo Kante, Raheem Sterling, Denis Zakaria, Ben Chilwell, Reece James iyo Wesley Fofana oo dhamaantood dhaawacyadu dibedda ka dhigeen garoomada.
Be the first to comment