
Chelsea ayaa diyaar u ah inay dalab ka gudbiso daafaca Real Madrid Eder Militao .
Mundo Deportivo ayaa sheegeysa in Chelsea ay isha ku heyso Militao iyagoo raadinaya difaac.
Blues ayaa diyaarinaysa dalab ay ku doonayso Militao.
Si kastaba ha ahaatee, Real ayaan sinaba u dooneynin inay iska fasaxaan daafaca dhexe xagaaga.
Los Blancos ayaa sidoo kale duldhigtay qiimo lacageed dhan 250 milyan oo euro oo u dhiganta (£215m) oo ay ku iibinayso xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil, kaasoo qandaraas kula jira ilaa 2025.
Be the first to comment