Chelsea oo dooneysa ciyaaryahanka Borussia Dortmund Erling Braut Haaland bisha Janaayo

@Reuters

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay isku dayi doona inuu lasoo wareego weerarka kooxda Borussia Dortmund  Erling Braut Haaland bisha January.

Blues ayaa u aqoonsatay norwiijiga aadka u wanaagsan mid ka mid ah bartilmaameedyadooda mudnaanta u ah 2021, iyadoo Haaland weli la xiriirineyo inuu ka dhaqaaqeyso Dortmund.

Iyadoo Chelsea lagu soo waramayo inay diyaar u tahay inay iska dirto ilaa iyo 7 ciyaaryahan si ay u maalgeliso u dhaqaaqista Haaland, Frank Lampard ayaa loo arkaa inay si dhab ah ugu tartamayaan saxiixa 20 jirkaan.

Sida laga soo xigtay wariye Angelo Mangiante , Lampard ayaa doonaya inuu Haaland ku arko Stamford Bridge qeybtii labaad ee xilli ciyaareedka 2020-21, waxaana uu doonayaa inuu Blues soo gabagabeeyo heshiiska bisha soo socota.

Si kastaba ha noqotee, Dortmund uma badna inay fasaxdo iibka xidigan, lakin natiijada ayaa la ogaandoonaa xiliga suuqa uu furmo kooxaha  Real Madrid , Manchester City iyo Bayern Munich ayaa dhamaantood xiiseenaya.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Norway ayaa durbaba diiwaan geliyay 17 gool oo uu u dhaliyay Dortmund tartamada oo dhan xilli ciyaareedkaan, oo ay ku jiraan 10 gool oo uu dhaliyay sideed kulan oo Bundesliga ah.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*