Chelsea oo dooneysa in Thiago Silva uu saxiixo heshiis cusub?

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadalo la furtay daafaca Thiago Silva oo ku saabsan qandaraas cusub.

Xiddiga reer Brazil ayaa saameyn weyn ku yeeshay Stamford Bridge tan iyo markii uu si xor ah ugu soo biiray xagaagan

Silva ayaa qalinka ugu duugay Blues heshiis hal sano ah, sida laga soo xigtay Tuttomercato , kooxda ayaa dooneysa inay qandaraaska u kordhiso.

Chelsea ayaa la sheegayaa inay u soo bandhigtay daafaca dhexe ee qibrada leh hal sano oo dheeri ah, iyadoo qandaraaskiisa qaadatay ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2021-22.

Laacibkii hore ee Paris Saint-Germain Silva ayaa sagaal jeer u saftay kooxda Premier League dhammaan tartamada, isagoo ka caawiyay in lix jeer shabaqeeda la ilaalsho.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*