Chelsea oo go’aamisay qiimaha ay ku doonayso kabtankeeda Cesar Azpilicueta

Reuters

Chelsea ayaa go’aamisay qiimaha ay ku doonayso kabtankeeda Cesar Azpilicueta .

32 jirkaan ayaa heshiis shaqsi ah la gaaray Barcelona .

Laakiin Blues ayaa Barca ka dalbaneysa 7 milyan ginni si ay ugu ogolaato Azpilicueta rabitaankiisa inuu baxo, sida ay qortay Evening Standard .

Chelsea ayaa dooneysa inay dib u soo ceshato isla lacagtii ay Azpilicueta kaga soo qaadatay Marseille toban sano ka hor.

Hadii Barca ay ka soo baxdo dalabaadka Chelsea , daafaca ayaa jeebka ku shuban doona 11 milyan ginni xilli ciyaareedkii canshuurta ka hor, warbixinta ayaa intaa ku dartay.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*