Chelsea oo go’aan ka gaari doonta mustaqbalka Armando Broja todobaadkan.

Chelsea ayaa qarka u saaran inay go’aan ka gaarto mustaqbalka Armando Broja todobaadkan.

20-sano jirkaan ayaa haatan amaah kula jooga Southampton heshiis hal sano ah, waxaana uu saameyn ku yeeshay Saints ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Broja ayaa ciyaaray 17 jeer horyaalka Premier League, isagoo dhaliyay shan gool, halka uu sidoo kale labo jeer shabaqa soo taabtay EFL Cup kooxda.

Sida laga soo xigtay Evening Standard , Chelsea ayaa ku wargelin doonta Southampton haddii ay doonayaan inay iibiyaan weeraryahankan suuqan kala iibsiga.

Waxaa la fahamsan yahay in Saints ay xiiseyneyso inay ka dhigto heshiiskiisa mid joogto ah, si kastaba ha ahaatee, waxaa sidoo kale jira kooxo kale oo badan oo Yurub ah oo isha ku haya xaaladiisa.

Southampton ayaa u baahan doonta inay bixiso ugu yaraan 20 milyan oo gini si ay ula soo wareegto, waxaana la filayaa in lagu daro heshiis la mid ah kii Tino Livramento , haddii ay Chelsea go’aansato inay iibiso weeraryahanka.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*