Chelsea oo go’an ka gaartay Qiimaha ay ku iibineyso Christian Pulisic

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarinayso inay Christian Pulisic ku iibiso 42 milyan ginni mid ka mid ah suuqa kala iibsiga ee soo socda.

23-sano jirkaan ayaa ku adkeystay mustaqbalkiisa ciyaareed ee Stamford Bridge, isagoo 53 ku soo bilowday 29 kulanna bedel tan iyo markii uu yimid xagaagii 2019.

Tan iyo markii uu ka soo kabsaday dhaawac canqowga ah horaantii bishaan, xiddiga heerka caalami ee dalka Mareykanka ayaa waqti ciyaarta la siiyay Thomas Tuchel , taasoo qeyb ka ah maqnaanshiyaha Romelu Lukaku iyo Timo Werner .

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay El Nacional , Blues ayaa ka fiirsan doonta inay iibiso weeraryahanka haddii ay dalab 42 milyan ginni ah ka helaan sannadka 2022.

Liverpool iyo Barcelona ayaa dhawaanahan lala xiriirinayay Pulisic, kaasoo qandaraas kula jira West Londoners ilaa dhamaadka 2023-24.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*