Chelsea oo guul 3-0 ka gaartay kooxda Tottenham Hotspur, Kulan uu ku fashilmay Lukaka

kooxda Chelsea ayaa sii wada guulaheeda muhiimka ah iyadoo guul ka gaartay kooxda Tottenham kulan ka tirsan Horyaalka Premier League-ga oo ku soo dhamaaday 0-3.

Xidiga Lukaku ayaa Caawa kulankaan isku arkay isagoo Shabaqa soo taaban xili uu daris la’aa maalmihii ugu danbeeyay.

Blues ayaana daah-furtay goolasheeda Daqiiqadii 49aad ee ciyaarta waxana ka caawiyay Thiago Silva kaasi oo madax la helay kubad koorna aheyd oo uu soo qaaday Marcos Alonso.

N’Golo Kante oo badal ku soo galay kulankan ayaa Chelsea hogaanka u sii dheereeyay Daqiiqadii 57aad isagoo kubad gantaal ah kuna sii dhacday mid kamid ah Daafacyada Tottenham shabaqa ku hubsaday.

Xidiga Antonio Ruediger ayaana soo afjaray Rajada Tottenham ee kulankan isagoo dhamaadka ciyaarta gool u dhaliyay isagoo ka faa’idestay kubad banaanka loo soo dhigay guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 0-3.

Chelsea ayaa hada hogaanka horyaalka la qabatay kooxda Liverpool oo wada leeyihiin mi 13 dhibcood.

Shaxda Ciyaarta

Tottenham XI: Lloris, Son, Kane, Hojbjerg, Alli, Dier, Ndombele, Reguilon, Lo Celso, Romero, Aparecido

Subs: Doherty, Ben Davies, Winks, Sanchez, Gollini, J. Rodon, Skipp, Gil, D. Scarlett

Chelsea XI: Thiago Silva, Azpilicueta, Lukaku, Alonso, Kovacic, Jorginho, Rudiger, Kepa, Christensen, Mount, Havertz

Subs: Saul , M. Bettinelli, Kante, Werner, Ziyech, T. Chalobah, Chilwell, Reece James, Hudson-Odoi

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*