Chelsea oo guul 1-0 ka gaartay kooxda Zenit St. Petersburg, Kulankooda Champions league-ga, Romelu Lukaku oo ka caawiyay guusha

Romelu Lukaku ayaa ka caawiyay Chelsea guul muhiim ah oo ay ka gaartay kooxda Zenit St. Petersburg kulan ka tirsan Champions league-ga Guruubka H.

Kooxda Chelsea iyo dhigeeda Zenit St. Petersburg midkoodna uma suura galin in qeybta hore ee ciyaarta gool dhaliyaan waxana taasi ay keentay in lagu kala nasto 0-0.

Qeybta labaad ee ciyaarta ayaa mar kale u muuqatay mid caajis badan iyadoo labadad kooxood mararka qaarkood la arkayay in kubadaha ka simanyihiin.

ismari waaga ciyaarta waxaa soo afjaray Romelu Lukaku kaasi oo daqiiqadii 69aad ee ciyaarta shabaqa ku hubsaday kubad uu caawinteeda ka helay Cesar Azpilicueta.

Romelu Lukaku ayaana noqday xidig shabaqa soo taabay kulan walbo uu u ciyaaro kooxda Chelsea guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-0.

Shaxda Labada kooxood

Chelsea XI: Azpilicueta, Lukaku, Alonso, Kovacic, Jorginho, Rudiger, Christensen, E. Mendy, Ziyech, Mount, Reece James

Subs: Thiago Silva, Saul , Barkley, Kepa, Werner, Loftus-Cheek, T. Chalobah, Chilwell, Sarr, Havertz, Hudson-Odoi, L. Bergström

Zenit XI: Y. Rakitskiy, S. Kritsyuk, S. Azmoun, Douglas, W. Barrios, Kuzyaev, A. Sutormin, Chistyakov, Malcom, Claudinho, Wendel

Subs: M. Kerzhakov, Erokhin, Dzyuba, D. Krugovoy, A. Mostovoy, Danila Khotulev, D. Odoevskiy, K. Kravtsov

dhanka kale isla guruubkan H waxaa wada ciyaaray kooxaha Malmo iyo juventus ciyaar ku soo dhamaatay 0-3 oo ku badisay kooxad Juventus goolasha kulankan waxaa ka caawiyay, Alex Sandro, Paulo Dybala iyo Alvaro Morata.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*