Chelsea oo guul 2-1 ah ka gaartay Kooxda West Ham United

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa guul soo laabasho ah kasoo gaadhay West Ham United oo ay marti u ahayd, waxaanay kusoo dishay laba gool oo waqti dambe ay ka dhaliyeen Ben Chilwell iyo Kai Havertz oo beddel kusoo galay, kulan kusoo dhamaaday 2-1 oo ay West Ham goolka la hormartay.

Difaaca bidix ee reer England ee Chilwell ayaa noqday shimbir caawimo ka helay Fabianski oo siiyey fursad uu goolka koowaad kaga dhaliyo, halka midka labaadna uu waqti dambe raaciyey Kai Havertz oo beddel ku yimid.

West Ham ayaa xajisan kari weyday hoggaanka oo ay qabatay qaybtii labaad ee ciyaarta, waxaanay ogolaadeen in saddex dhibcood ay gacanta ka saaraan Chelsea oo quus ahayd, isla markaana awoodi weyday inay jabiso derbiga difaaca Hammers 70kii daqiiqadood ee ugu horreeyey ciyaarta.

West ham United ayaa heshay goolka Barbaraha lakin markii la eegay VAR, goolka barbaraha waxaa meesha ka saaray in Jarrod Bowen uu qalad ku galay Edouard Mendy, waxaana 2-1 ku badisay Chelsea.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*