Chelsea oo guul Dirqi ah ka gaartay Crystal Palace, Pierre-Emerick Aubameyang oo Shabaqa soo taabtay

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa guul soo laabasho ah oo waqti dambe ah kasoo gaadhay Crystal Palace kulan uu tababare Graham Potter isbeddel badan ku sameeyey kooxdiisa oo ka dhacay Selhurst Park oo ay libin 2-1 ah lasoo laabteen.

Crystal Palace ayaa waqti hore gool kaga naxsatay Chelsea oo tababaraheeda cusub uu ka guuray shaxdii difaaca ku dhisnayd ee muddada labada sannadood ku dhow uu ku ciyaarsiinayay Thomas Tuchel oo horraantii bishan laga caydhiyey shaqaqada, hase yeeshee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ka hor istaagay Daqiiqadii 48aad intii aan loo bixin waqtiga nasashada.

Xidiga Conor Gallaagher ayaana u dhaliyay goolka guusha ee Blues daqiiqaddii 90aad ee ugu dambaysay ciyaarta ciyaarta ayaana ku soo dhamaaday 1-2.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Chelsea ay yeelatay 13 dhibcood oo ay soo gashay kaalinta shanaad, hase yeeshee booskooda isbeddel ayaa ku iman karaya Axadda maadaama kooxo aan wax badan ka dambaynin sida Manchester United  ay Axadda ciyaarayaan.

Shaxda labada Koox ee Kulankan

Crystal Palace XI: Guaita, Ward, Clyne, Jordan Ayew, Zaha, Odsonne Edouard, Eberechi Eze, Guehi, Cheick Doucouré, M. Olise, Tyrick Mitchell

Subs: Tomkins, Milivojevic, Schlupp, Sam Johnstone, Hughes, Riedewald, Jean-Philippe Mateta, Malcolm Ebiowei, John Kymani Gordon

Chelsea XI: Thiago Silva, Aubameyang, Kovacic, Sterling, Jorginho, Kepa, Mount, Chilwell, Havertz, Reece James, Wesley Fofana

Subs: Azpilicueta, Koulibaly, Marcus Bettinelli, Ziyech, Loftus-Cheek, Trevoh Chalobah, Pulisic, Conor Gallagher, Armando Broja

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*