Home Wararka Ciyaaraha Chelsea oo guul ka gaartay Kooxda Norwich City, Xili Xayiraado lagu soo...

Chelsea oo guul ka gaartay Kooxda Norwich City, Xili Xayiraado lagu soo rogay

0

Chelsea ayaa guul weyn gaartay kulankeedii ugu horeeyay tan iyo markii lagu soo rogay xayiraad dhaqaale iyagoo 3-1 kaga takhalusay kooxda ugu hooseysa Premier League oo marti loogu ahaa Carrow Road.

Chalobah ayaa hogaanka u dhiibay Blues ka hor inta uusan u labeynin Mason Mount halka uu Havertz ciyaarta hurdo u diray markii uu saxiixay goolka seddexaad. Goolka qura ee Norwich wuxuu ahaa rigoore uu saxiixay Pukki.

Kubad uu soo dhigay Mason Mount ayaa waxaa goolhaye Krul dabamariyay Chalobah Daqiiqadii 4aad. Iyadoo goolhayaha ay wadada ka hor istaageen ciyaartoydiisa.

Toban daqiiqo ka dib Chelsea ayaa hogaanka sii dheereysatay iyadoo Havertz uu kubad kala tagay Zimmermann ka hor inta uusan u dhigin Mount oo kubada ka leexsaday Kabak ka hor inta uusan shabaqa ku hubsan.

Bartamihii qeybta labaad kooxda martida loo yahay ee Norwich ayaa heshay fursad ay cadaadis ku saarto Chelsea iyagoo helay rigoore markii Chalobah uu gacanta ku taabtay kubad Pukki ayaana gool u sarifay .

Havertz ayaa daqiiqadii 90aad ciyaarta hurdo u diray oo shabaqa ku hubsaday baas fiican uu ka helay N’Golo Kante oo dhamaadkii ciyaarta bedel ku soo galay.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-1 oo ay Chelsea ku badisay.

Chelsea waxay weli ku jirtaa kaalinta 3aad iyagoo leh 56 dhihbcood, waxay sideed dhibcood ka sareeyaan kooxda kaalinta afaraad ee Arsenal oo labo kulan ay u harsan tahay marka loo eego Chelsea.

Previous articleWararka Suuqa kala iibsiga Caawa: Cesar Azpilicueta, Bryan Gil, Adnan Januzaj, Luke Shaw, Diogo Dalot
Next articleBarcelona oo u aragta Patrik Schick bedelka Erling Braut Haaland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here