Chelsea oo guul ka gaartay Kooxda Sheffield United Horyaalka Premier League

POOL/AFP via Getty Images

Kooxda Chelsea ayaa guul ka gaartay Kooxda Sheffield United kulan ka tirsan Horyaalka Premier League oo ku soo dhamaaday 1-2.

Goolasha Chelsea waxaa ka saaciday Mason Mount, iyo Jorginho Daqiiqadii 43 aad iyo 58 aad ee ciyaarta iyada oo Goolka Jorginho uu ahaa rigoore dhanka kale Xidiga Antonio Ruediger ayaa iska dhaliyay goolka ay la timid Sheffield United daqiiqadii 54-aad ee ciyaarta iyadoo guud ahaan ay ciyaarta ku soo dhamaatay 1-2.

Guusha ay gaartay Chelsea ayaa ka dhigan in ay soo gasho booska 5 aad ee horyaalka iyagoo leh 39 dhibcood.

Maxaa Xiga

Kooxda Chelsea ayaana la ciyaaridoonta kulankeeda xiga kooxda Barnsley kulankaasi oo ka tirsan Koobka FA-Cupka.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*