Chelsea oo guul ka gaartay Leicester City, Blues oo soo gashay kaalinta 3aad

kooxda Chelsea oo garoonkeeda ku soo dhaweesay Leicester City ayaa ka gaartay guul muhiim ah ciyaar ku soo dhamaatay 2-1.

xidigaha Antonio Ruediger iyo Jorginho ayaa Chelsea ka caawiyay guusha kulankan oo labada kooxood muhiim u ahaa.

Blues ayaa natiijada kulankan waxay ka caawisay in ay soo gasho kaalinta 3aad ee horyaalka premier league oo ay kala baxday leicester city.

Sharxaada Ciyaarta.

inkastoo labada kooxood ay qeybta hore ku kala nasteen goolal la’an isla markana chelsea laga diiday dhoor gool hadana qeybta danbe ayuu dhacay isbadal xoogan.

Daqiiqadii 47aad Antonio Ruediger ayaa chelsea ka caawiyay chelsea in ay qabato hogaanka ciyaarta.

66 Daqiiqo Chelsea ayaa sii dheereesatay hogaanka ciyaarta kadib qalad lagu galay Werner waxaa rigoorada la dhigay u soo istaagay Jorginho kaasi oo gool u sarifay.

Daqiiqadii 76aad leicester city ayaa boorka iska soo jaftay kadib markii uu shabaqa dhex dhigay kubad banaanka loo soo dhigay Kelechi Iheanacho kaasi oo caawin ka helay Wilfred Ndidi.

Leicester city ayaa heshay fursad dahabi ah inkasto ay iska qasaariyeen guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-1.

kooxda Leicester city ayaa hada halis ugu jirto in ay lumiso booska loogu soo boxo Champions league hadii Liverpool ay badiso kulankeeda Burnley.

 

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*